Haweeneey xubin muhiim ah ka ahayd Ururka dagaalyahanada Xamaas oo lagu magacaabo Jamila Cabdallah Taha al-Shanti ayaa maanta lagu dilay duqeynta diyaaradaha Israa’iil.
 Jamiila oo qiyaastii 60-70 jir ahayd ayaa la sheegay inay  ahay qof wax baratay sidoo kale u dhaxday mid ka mida aas aasayaashii Xamaas oo lagu magacaabo , Cabdi Casiis Al-Rantissi.
Jamiila laftigeeda waxay ahayd haweeneydii aas aastay ururka haweenka ee Xamaas,waxaa lala helay duqeyn maanta Gaza ay ka gaysteen Yuhuuda Rabi ha u naxariistee.
Mid ka mida dhaq dhaqaaqa Xamaas ayaa Twiterka oo hada loo badalay X wuxuu ku qorey geerida Jamiila taasoo keentay in Yuhuuduna halkaas ka xigtaan kadibna warbaahintooda ka shaaciyeen inay dileen Jamiila.
Haweeneydaan waxay waqtiyadaan danbe waxay si macallinnimo ah uga shaqeyneysay jaamacadda islaamiga ah ee Qasa  sida ay sheegtay idaacada BBC-da.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM

Jamiila

Previous articleMadaxweyne Xasan oo Xudur kula kulmay Odayaasha dhaqanka+Sawirro
Next articleMaxkamad ku taal Amsterdam oo mar kale xukun ka soo saartay dacwadii Masjidka Soomaalida

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here