Dacwadii ka taagnayd masjidka Soomaalida ee ku yaal magaalada Amsterdam ee waddanka Holland ayaa heer xasaasi ah mareysa kaddib go’aan ay shalay soo saartay maxkamadda dalkaasi oo markii 3-aad u xukuntay Sheekh Suldaan Gasle inaan laga qaadi karin sharciyada ku qornaanshaha waxa loo yaqaan KVK (Diiwaanka sharciga ah) inuu isagu yahay Guddoomiyaha guddiga maamulka masjidka, iyada oo la filayo in bisha December maxkamaddu soo saarto mid ka mid ah go’aanadeeda kama dambeysta ah.
Tillaabadan, ayaa dharbaaxa ku noqoneysa ragga weli sii haya maamulka masaajidka, waxaana suurtagal ah in arrintani saameyso mutamar loo madlan yahay in masjidka lagu qabto toddobaadka dambe, laguna wado in ay ka soo qeybgalaan mashaa’iq caan ah oo uu ku jiro Sheekh Mustafe Haaruun.

Khilaafka ka aloosan masjid Quba oo walaac badan ku dhaliyay Soomaalidu meel kasta oo ay joogto, wuxuu soo shaac-baxay horraantii sannadkii 2021 markii ay is qabteen saddexda xubnood ee ku qoran maamulka masjidka, oo 2 daraf kala noqday.
Iimaam-kii & guddoomiyihii maamulka masjidka Sheekh Suldaan Gasle oo bud-dhig u ahaa arrimaha dacwada Soomaalida dalka Holland muddo ku dhow 30 sanno oo dhinac ah & Guuleed Wayrax & Sheekh Ibraahim (Abuu-Khadiija) oo dhinaca kale ah.

Advertisement

Arrimaha la isku hayo ee uu khilaafkani ka dhashay waxaa weli ku dahaaran mugdi, iyada oo 2da dhinac aysan weli si waadix ah kaga hadlin ubucda waxa la isku hayo; marka laga tago eedeymo ku saabsan kala aragti duwanaan qaabka loo wajahayo dacwada.

Sheekh Suldaan Gasle, oo muddo ku dhow 2 sanno masjidka dibed-joog ka ahaa, isaga oo ku doodaya inuu sharciyad u haysto inuu yahay Guddoomiyihii maamulka masjidka, balse si uu khilaaf uga fogaado uu doortay inuu banaanka ka joogo, ayaa wareysi uu dhowaan bixiyay wuxuu baaqay u diray culumaa’udiinka ka soo qeybgalaysa mutamarka la iclaamiyay inuu ka dhacayo masjidka Quba.

“Waxaan ogahay ducaada qaarkood oo masaajidkoodii lagu qabsaday in ay ciddiyaha ku dagaalami lahaayeen haddii ay ku dhici laheyd waxa anniga igu dhacay” Ayuu yiri Sheekh Suldaan Gasle, isaga oo intaasi sii raaciyay:

” U maleyn maayo inuu qaadan lahaa walaal ka mid ah culimada haddii ey ku dhici laheyd waxa aniga igu dhacay. Waxaan leeyahay walaalaheyga ducaada ah oo aan qadarinaayo ashqaastooda in arrintaasi ka fiirsadaan haddeey xal u soo wadaana ahlan-wasahlan”.
Sheekh Suldaan Gasle, wuxuu dhinaca kale nasiib darro ku tilmaamay in masjidkii uu aasaaskiisa hormuudka u ahaa in lagu soo dhajiyay warqad isaga lagaga digayo in aanu ku soo tukan karin.

Dhinaca kale, howlaha masjidka ayaa si habsami leh u socda, iyada oo ka sokow in masjidka ay ku cibaadeystaan kumanaan Soomaali ah, haddana lagu baro ubadka Soomaaliyeed culuunta islaamiga ah, waxaanna jira dad badan oo Soomaali ah oo nasiib darro u arka in iimaamkii masjidka, ahaana shaqsigii hormuudka u ahaa dhismaha & hirgelinta masjidka inuu bannaanka ka joogo.

Isku dayo ay saxaafadda ku dooneysay marar badan in ay la xiriirto ragga masjidka ku haray, si wax lagaga weydiiyo arrimaha ku saabsan khilaafka kala dhexeeya Sh. Suldaan ayaa gebi ahaanba hungo ku soo dhammaaday markii ay ku gacan seyreen raggaasi in ay saxaafadda la hadlaan.

HOOS KA DAAWO VIDEOW LAGA DUUBAY QAAR KA MID AH WAXGARADKA JAALIYADA AMSTERDAM

Waxgaradka Amsterdam & Khilaafka Masjidka – YouTube

Previous articleHaweeney xubin ka ahayd Xamaas oo maanta lagu dilay duqeynta Isra’iil
Next articleIsu soo bax Beri Subax ka dhacaya Muqdisho oo lagu taageerayo Falastiin

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here