Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo mas’uuliyiin iyo qaybaha kala-duwan ee bulshada kula tukaday salaadda ciidda masaajidka Isbahaysiga Islaamka ayaa dadka Soomaaliyeed iyo muslimiinta caalamkaba ugu hambalyeeyey maalmahan barakaysan ee ciidda Carafo.

Madaxweynaha ayaa ku boorriyay shacabka Soomaaliyeed in ay taageeraan qorshaha dowladda ee la-dagaallanka Al-Shabaab iyo musuqmaasuqa, waxa uuna ku adkeeyey in ay dowladda ku gacan siiyaan sidii looga hortagi lahaa qorshaha Al-Shabaab iyo kuwa caadeystay xatooyada hantida dadweynaha .

Advertisement

Madaxweynaha ayaa shacabka Soomaaliyeed u rajeeyey in sannadkan sannadkiisa ay ku gaaraan horumar, barwaaqo, amni iyo xasillooni, isagoo kula dardaarmay in ay gacmaha is-qabsadaan, qalbiyadana isu furaan.

Previous articleGolaha amamanka oo muddo lix bilood ah dib u dhigay bixitaanka ciidamada ATMIS ee Soomaaliya
Next articleDagaal ka dhacay Duleedka Dhuusamareeb iyo khasaaro ka dhashay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here