Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan miro-dhal ah kula qaatay xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga Maraykanka ee Pentagon ka, Xoghayaha Difaaca Mudane Lloyd J. Austin.

Austin ayaa ku bogaadiyay  Madaxweynaha  horumarka dhabta ah ee uu ku tallaabsaday xilli aad halis u ah oo kooban waxa uuna sheegay in nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya ay aas-aas u tahay nabadda Gobolka iyo Adduunka, sidaas daradeedna ay ka go’antahay in ay gacan ka siiyaan dowladda Soomaaliya xaqiijinta amniga iyo ladagaallanka argagixisada.

Advertisement

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh ayaa kala hadlay Wasiirka Difaaca Maraykanka doorka ay ka qaadanayaan wajiga Labaad ee howlgalka dalka lagaga saarayo Alshabaab, isagoo warbixin ka siiyay guulaha wax-ku-oolka ah ee laga gaaray wajigii 1-aad ee lagu xoreeyey deegaanno iyo magaalooyin badan oo Alshabaab ay ku dhibaateynayeen muwaadiniin Soomaaliyeed, ayna ka soo maleegayeen falalka arxan darrada ah.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la wadaagay Lloyd J. Austin cunaqabetynta hubka ee saaran Soomaaliya caqabadda ay ku hayso dib u dhiska ciidamada Xooga dalka Soomaaliya oo qorshahu yahay in ay si buuxda ula wareegaan amniga dalka iyo dabar-goynta argagixisada, waxa uuna ka rajeeyey in codka Mareykanka ay ku taageeraan qorshaha dowladda Soomaaliya ee laalidda cunaqabateyntaas, ayna qeyb ka noqdaan olalaha Soomaaliya ay ka waddo Qaramada Midoobey.

Sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo Xoghayaha Difaaca Maraykanka ayaa ka wada-hadlay xoojinta iskaashiga labada dal ee dhinacyada amniga iyo xasilloonida gobolka, kor u qaadidda taageerada dib u dhiska ciidamada iyo dagaalka ka dhanka ah Alshabaab .

Previous articleWaa sidee Xaalada Magaalada Garowe
Next articleHawlgallo ka socda degmada Baardheere ee gobolka Gedo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here