Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay talaabada ay qaadi doonaan ka dowlad ahaan hadii ciidamada Itoobiyaanku soo galaan deegaanada Maamulka Somaliland iyagoo isku dayaya inay fuliyaan heshiiskii badda ee sharci darada ahaa kaasoo ay la galeen Maamulka Somaliland.

Madaxweynaha Soomaaliya wuxuu sheegay inay is difaaci doonaan walow uusan sharaxaad dheeraad ah ka bixin qaabka ay Dowlada Somalia isku difaaceyso madaama ay itoobiyaanka ka sokeeyan reer Somaliland.

Advertisement

“si kasta oo suurtagal ah ayaan isku difaaceyna hadii ciidamada Itoobiyaanku isku dayaan fulinta heshiiskii sharci darada ahaa islamarkaana ciidamadoodu soo galaan deegaanada maamul Goboleedka Somaliland”ayuu yiri Madaxweyne Xasan oo wareysi siiyay wakaalada wararka Routers

Mar uu ka hadlayay ciidamada Itoobiyaanka ee Somalia ka howlgala ayuu sheegay in waqti xaadirkaan qorshaha ugu jirin in dalka laga saaro ciidamadaasi oo lagu sheego inay yihiin 3kun askari.

Warka Madaxweynaha ayaa ku soo aadaya xili dhawaan Dowladu heshiis amni la galeen Dowlada Turkey kaasoo awood u siinaya ciidamada Badda Turkey inay difaacaan Badda Somalia.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Previous articleMadaxweynaha Brazil oo ku celiyay dhaleeceyntisa Yuhuuda
Next articleHowlgal Dowladu sheegtay in lagu dilay Alshabaab badan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here