Luiz Inácio Lula da Silva - Wikipedia

Madaxweynaha Brazil Lula ayaa mar kale ku weeraray Israa’iil dhibaatada ay ku hayaan shacabka reer Falastiin gaar ahan magaalooyinka marinka Gaza.

Advertisement

Luiz Inacio Lula da Silva ayaa laba jibaaray weerarka afka ah ee uu ku hayo madaxda Israaiil oo uu runta ka sheego mar kasta marka la eeo hab dhaqankoda.

Madaxweynaha Brazil wuxuu ku celiyay in Israa’iil waxa ay sameyneyso aysan ahayn dagaal, balse ay tahay xasuuq waana oraah uu aad uga xanaaqay Ra’iisulwasaaraha Yuhuuda.

“Carruurta iyo haweenka waa la dilayaa” Lula ayaa sidaas ka sheegay goob fagaare ah ka dibna waxa uu faallooyinkiisa soo dhigay baraha bulshada.

“Akhri waraysiga oo jooji in aad igu xukunto hadalka ra’iisul wasaaraha Israa’iil” madaxweynaha Brazil Lula ayaa sidaas yiri mar kale

Ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa todobaadkii hore sheegay in madaxweynaha Brazil uu soo dhaafay xadkiisa.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Israa’iil ayaa ugu baaqay Madaxweynaha Brazil inuu ka noqdo hadaladiisa oo uu ka bixiyo raaligelin,wuxuuna ku tilmaamay hadal qiyaali ah warka Lula.

“Waxaan leeyahay Kuma beddeli doono sharaftayda been, Waxaan taageersanahay in la sameeyo Dawlad Falastiini ah oo xor ah oo madaxbanaa”ayuu yiri Madaxweynaha Brazil

=SOURCE ALJAZEERA=

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Previous articleShirka labada aqal ee Baarlamaanka maxaa saaka looga doodayaa?
Next articleMadaxweyne Xasan “waa iska difaaceynaa hadii ciidamada Itoobiya isku dayaan fulinta damacooda badda”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here