MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Xildhibaanada Labada aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa saaka ku balansan xaruntooda Muqdisho iyadoo lagu wado inuu shir gudoomiyaan Gudoomiyayaasha Golaha shacabka Aadan Madoobe iyo aqalka sare Cabdi-Xaashi.

Kulanka saaka oo daba socda kulamadii ka doodista wax ka badalka dastuurka iyo ansixintisa ayaa saaka waxaa lagu wadaa inuu qeyb kale u sii gudbo.

Advertisement

Shirkii Khamiistii ay yeesheen Gudiga joogtada ee labada aqal ee Baarlamaanka ayaa lagu go’aamiyay ajandaha saaka laga doodi doono.

Guddoomiyaha Guddiga Dastuurka labada aqal ee Baarlamaanka 11-aad Xil. Xuseen Iidow ayaa shirkii Khamiistii ka sheegay in shirka saaka la bilaabi doono ka doodista dastuurka  cutubkiisa labaad,xili uu guddiga uga warbixiyay fahamka iyo halka uu maraayo doodaha iyo shintiriska Dastuurka.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Previous articleBanaan bax lagu taageerayo heshiiskii Turkiga oo Saaka ka dhacaya Muqdisho
Next articleMadaxweynaha Brazil oo ku celiyay dhaleeceyntisa Yuhuuda

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here