MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Banaan-bax Balaaran ayaa lagu wadaa inuu saaka ka dhaco Magaalada Muqdisho kaasoo lagu taageersan yahay Heshiiskii amniga ee dhawaan dhex maray Dowlada Turkey iyo Somalia.

Isu soo baxaan wuxuu ka dhacayaa garoonka ciyaaraha kubada cagta ee Eng,Yariisoow oo hore loo oran jiray Conis-Stadium kuna yaal Degmada C/casiis ee Magaalada Muqdisho.

Advertisement

Isu soo baxaan uu soo qaban qaabiyay Maamulka Gobolka Banaadir ayaa lagu wadaa inay ka hadlaan madax ka tirsan Dowlada Soomaaliya  marka dadweynuhu soo buux dhaafiyaan garoonkaasi iyagoo isaga kala imaan doonaan degmooyinka Gobolka Banaadir.

Dhanka kale waxaa saaka xiran dhamaan wadooyinka gala iyo kuwa ka baxa garoonka ciyaaraha Eng.Yariisoow si amniga shacabka loo xaqiijiyo waxaana la ogoleyn gabi ahaanba wax gaadiid ah.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Previous articleSAWIRRO: Salaadii Jimcaha oo lagu oogay Masaajdka Rafax oo yuhuudu burburiyeen
Next articleShirka labada aqal ee Baarlamaanka maxaa saaka looga doodayaa?

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here