Dhuusamareeb, Sibteembar 25, 2023: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta magaalada Dhuusamareeb ku qaabilay Danjiraha Dowladda aan walaalaha nahay ee Turkiga Mudane Ibrahim Mete Yagli oo uu wehliyo Taliyaha Dugsiga Tababbarada Ciidamada ee TurkSom, Sarreeye Guuto Sebahattin Kalkan.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa masuuliyiintan kala hadlay xoojinta xiriirka iskaashi ee labada dal, gaar ahaan dhanka amniga, isaga oo uga mahadceliyey Dowladda Turkiga taageerada ay mar walba la garab taagantahay Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ee ku jira halganka dib u xoreynta, dowlad-dhiska iyo horumarinta.
Dhankiisa, Danjiraha Dowladda Turkiga ee Soomaaliya Mudane Ibrahim Mete Yagli ayaa bogaadiyay dadaallada ay Dowladda iyo shacabka oo iskaashanayaa ay ugu jiraan ciribtirka kooxaha Khawaarijta ee diiddan nabadda iyo horumarka dalka, isaga oo hoosta ka xariiqay in Turkigu uu door wanaaagsan ka qaadan doono xaqiijinta Soomaaliya nabadoon, horumarsan oo ka caagan Khawaarijta.
DHAMMAAD
Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir
Abdikadir Ali Dige,
Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta,
Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
May be an image of 1 personMay be an image of 1 person and textMay be an image of 6 people, the Oval Office and daisMay be an image of 8 people and dais

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here