Saraakiisha militariga Mareykanka ayaa baafinaya diyaarad dagaal oo ka mid ah kuwa ugu qaalisan dunida, taas oo ka luntay. Diyaarada ayaa ah nooca F-35 ee militariga oo la waayay kadib markii duuliyihii waday uu ka soo booday xilli uu marayay hawada South Carolina ee dalka Mareykanka.

Waxaa diyaaradan la waayay galabnimadii Axadda xilli ay ku duuleysay hawada koonfurta gobolka South Carolina.

Advertisement

Saraakiisha ayaa sheegay in diyaaraddu ay ku timid cillad balse ma aysan bixin faahfaahin waxa ay tahay cilladaasi.

Duuliyihii wadan diyaaradda ayaa ka so booday isaga oo isticmaalaya Baarshuud.

Saraakiisha ayaa sheegay in baadigoobkooda ay diiradda ku saareen agagaarka harada Moultrie iyo harada Marion, ee waqooyiga magaalada Charleston.

Nancy Mace, oo ah xubin ka tirsan Congress-ka ka soo jeedda xisbiga Jamhuuriga ee South Carolina, ayaa ku qortay barteeda Twitter: “Sidee ayay u lumi kartaa F-35?

“Sidee loo waayay qalab lagula socon karo oo dadweynaha looga codsan dadwaynaha in ay diyaarada raadiyaan?”

Diyaaraddu dagaal waa mid si qarsoodi ah ku duuli karta – si ay cadowga ay bartilmaameedsanayso u ogaan taasoo la macno ah in raadaarada aysan soo qaban karin taasi oo adekeysay markii hore baadigoobka .

saraakiisha Saldhigga Charleston ayaa ka hor inta aan diyaaradda la helin soo jeediyay codsiga caawimaadda X. “Kooxaha bixiya jawaabaha degdegga ah waxay wali isku dayayaan inay helaan F-35,” ayay lagu yiri.

Codsiga ka yimid militariga Mareykanka ayaa ku dhiirigeliyay xilligaasi qof kasta oo haya macluumaadka caawin kara kooxda gurmadka inay la xiriiraan xarunteeda hawlgallada.

Ciidamada Marines-ka ayaa bayaan ay siiyeen BBC-da ku sheegay in aqoonta ay u leeyihiin dhacdadan ay tahay mid”xaddidan” ilaa hadda, ayna wali isku dayayaan inay ururiyaan xog dheeraad ah.

Waxay intaas ku dareen in cilladda ku timid diyaaradani dagaal ay “baaritaan”. ku sameyn doonaan.

Diyaaraddan dagaal ayuu qiimaheedu yahay $100 milyan, sida uu BBC-da u sheegay soo-saareheeda Lockheed Martin.

Diyaarad labaad oo ah nooca F-35 ah oo ay isku mar duu;leen diyaarada la la,yahay ayaa si nabad ah ugu soo laabatay saldhigga, sida ay wakaaladda wararka ee Associated Press u sheegtay afhayeenka ciidamada Maj Melanie Salinas.

Saacado dheer oo baadigoob ah ka dib ayaa waxaa diyaaradan haraadiga burburkeeda laga helay degmada Williamsburg.

War qoraal ah oo ay soo saareen, saraakiishu waxay ku sheegeen in burburka laga helay degmada Williamsburg, oo laba saacadood waqooyi bari ka xigta Saldhigga Charleston.

Sannadkii 2018-kii, militariga Mareykanka ayaa si ku meel gaar ah u joojiyay gabi ahaan diyaaradahooda F-35 kadib shil ka dhacay South Carolina.

War qoraal ah oo ay soo saareen, saraakiishu waxay ku sheegeen in burburka laga helay degmada Williamsburg, oo laba saacadood waqooyi bari ka xigta Saldhigga Charleston.

XIGASHO BBC-SOMALI

Diyaaradda F-35

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here