NAIROBI (DAYNIILE.COM)-War ka soo baxay Safaarada Mareykanka ee Kenya ku leedahay ayaa looga digay shacabka Mareykan xaalad ku soo kordheysa Magaalada Nairoobi ee Xarunta Dalka Kenya.

Sida ay BBC0-du sheegtay Safaaradda Mareykanka ee Kenya ayaa uga digtay muwaadiniinteeda ku nool Nairobi falal ku soo kordhay xaafadaha ay Nairobi ka degan yihiin kuwaasoo amaanka lidi ku ah.

Advertisement

Xaalada amni daro ee Mareykanku ka digayo ayaa ah dhanka burcadnimada iyadoo sida safaaradu sheegeyso soo bateen dhacca boorsooyinka iyo taleefoonada.

Warka ka soo baxay Safaarada Mareykanka ayaa lagu amray muwaadiniintooda inay racaan afar talaabo kuwaasoo ay ka mid inay ka taxadaraan deegaanka ay ku sugan yihiin iyo dhaqdhaqaaqooda, sidoo kale inay iska ilaaliyaan soo bandhigista wax calaamad ah oo muujinaya hantidooda sida xirashada dahabka, saacadaha ama in ay qaataan lacag badan.

Tusaalooyinka ay Safaradu is leedahay way bad-baadineysaa muwaadiniintooda ayaa waxaa sidoo kale ka mida ineysan wax iska hor imaad sameysan hadii burcadu soo wajahdo taasoo dagaal keenu karta ,sidoo kale waxaa la faray muwaadiniinta inay xirtaan  daaqadaha iyo albaabada gaadiidkood.

XAFIISKA WARARKA 
DAYNIILE.COM

Previous articleMadaxweynaha oo booqday dadkii ku dhaawacmay weerarkii SYL Hotel
Next articleCiidamada Xoogga oo howlgal ka dhan ah Alshabaab waxay ka fuliyeen Gobolka Bay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here