Ciidamada Xoogga Dalka Somalia gaar ahaan Guutada 8-aad qeybta 60-aad ayaa maanta howlgal ka dhan ah Alshabaab waxay ka fuliyeen deegaan hoos taga Gobolka Bay.
Howlgalkaan ayay ku fashiliyeen qorshe alshabaab maleegayeen waxaana dhex maray dagaal xooggan

War dhanka Dowlada ka soo baxay ayaa lagu shaaciyay in howlgalkaani oo ka dhacay deegaan hoos taga Gobolka Bay in ciidamada Dowladu ku dileen 7 ka tirsan dagaal yahanadii watay qorshe ka dhan ahaa Dowlada iyo Maamulka Koonfur-galbeed.

Sidoo kale waxaa Alshabaab looga gubay mootooyinka labada lugood ee loo yaqan fekon kuwaasoo ay Alshabaabku gaadiid ahaan u adeegsadaan.

Advertisement

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

May be an image of 7 people and motorcycle
Previous articleMareykanka oo dadkiisa uga digay Falal Nairobi ku soo kordhay
Next articleMilateriga Somalia oo maanta ka qeyb-qaatay daminta Deb maanta ka kacay suuqa Degmada Awdheegle+SAWIRRO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here