Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed gaar ahaan Guutooyinka 14-ka October iyo Gorgor ayaa maanta ka qeyb-qaatay daminta Deb ka kacay suuqa degmada Awdheegle ee gobolka Shabeelaha hoose.
Ciidamada ayaa ku guuleystay inay damiyaan dabkaasi oo ka bilowday koronto taasoo suuqa khasaare badan u gaysatay.
Debka waxaa ku bas-beelay guri iyo goob ganacsi,iyadoo ciidamada Milatariga ay badbaadiyeen shacabkii markii ay gurmad degdeg ah  goobta la gaareen.
Ma jirto wax khasaare nafeed ah oo la soo sheegay kaliya waxaa jirta khasaare hantiyeed oo soo gaaray dadkii goobaha ganacsi lahaa.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM
May be an image of 11 people, fire, tree and fogMay be an image of 7 peopleMay be an image of 6 people and treeMay be an image of 3 peopleMay be an image of 8 people
Previous articleCiidamada Xoogga oo howlgal ka dhan ah Alshabaab waxay ka fuliyeen Gobolka Bay
Next articleWararkii ugu danbeeyay Xaalada Gaza

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here