Warbixino laga helaayo  CIA-da Mareykanka ayaa sheegaya inay bilaabeen dhaq dhaqaaqyo ay Yuhuudu garab ugu siinayan sidii ay Maxaabiista laga heysto xoog ugu soo furan lahaayeen.

Wargeyska The New York Times ee ka soo baxa dalka Maraykanka oo soo xiganaya sarkaal Maraykan ah oo magaciisa qariyay ayaa sheegay in CIA-du samaysay guddi cusub oo soo bandhigay xog ku saabsan hoggaanka Xamaas iyo sidoo kale halka ay ku sugan yihiin maxaabiis Israa’iili ah oo lagu haysto Gaza.

Advertisement

Warbixintu waxa kale oo ay sheegtay in saraakiisha Maraykanku ay rumaysan yihiin in madaxa Xamaas Yahya Sinwar uu ku dhuumanayo qayb ka mida  tunnel-ka ay adeegsato Xamaas ee ku taal Khan Younis.

Sidoo kale waxa la rumaysan yahay in Madaxa Xamaas  uu isku gadaamay maxaabiista Yuhuuda, taas oo adkeynaysa hawlgal kasta oo la isku dayo in lagu dilo ama lagu soo qabto.

SOURCE ALJAZERA

XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM

Previous articleDEG DEG: Ciyaarihii Maamul Goboleedyada oo la hakiyay iyo reer Koonfur-galbeed oo la xaliyay
Next articleUrurka Suxufiyiinta Caalamka oo ku baaqay in xabsiga laga sii daayo Gudoomiyaha MM Somali TV

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here