Afhayeenad u hadashay Dowlada Mareykanka gaar ahaan taliskooda Afrika ee loo yaqaan Africom ayaa si weyn u beenisay inay Mareykanku ka danbeeyeen duqeyn dhawaan lagu laayay dad shacab Soomaaliyeed ah oo ka dhacay Gobolka Galgaduud.
Deegaanka ceel la-helay ayaa maalmo ka hor duqeyn diyaaradeed oo ku dhacay waxaa ku dhintay sadex caruur ah iyo qof dumar ahaa.
Afhayeenada Mareykanka waxay sheegtay in Ciidamada Dowlada Soomaaliya ay ka caawiyeen oo kaliya dhanka hagida balse aysan iyagu wax huba isticmaalin.
“ma jirto wax ciidamo Mareykan ah oo la socday kuwa Soomaalida sidoo kale ma jirto wax howlgal ah oo diyaaradaheenu fuliyeen”ayay tiri Haweeneydaasi u hadashay Mareykanka
Wasiirka warfaafinta Soomaaliya Daa’uud Aweys ayaa saxaafada u sheegay inay Dowladu baaritaano sameyn doono si loo ogaado dhibaatadaasi shacabka soo gaartay cidii ka danbeysay.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM