HomeWarkiiKooxo hubeysan oo xalay toogtay Agaasimihii Dalxiiska Degmada Dayniile

Kooxo hubeysan oo xalay toogtay Agaasimihii Dalxiiska Degmada Dayniile

MUQDISHO (DAYNIILE.COM)- kooxo hubeysan ayaa xalay Degmada Dayniile ee Magaalada Muqdisho waxay ku toogteen masuul Dowlada ka tirsanaa gaar ahaan maamulka Gobolka Banaadir

Masuulkaan oo lagu dilay Xaafada Cali Boy ee degmada Dayniile ayaa ahaa Agaasimaha Dalxiiska Degmadaasi Cabdalla Sheekh Ibraahin Maxamuud Jiisoow kaasoo rasaastii lagu furey markii hore dhaawac ahaan loogu qaaday Isbitaalka balse u geeriyooday dhaawacaasi.

Dilka oo u muuqday mid qorsheysan inuu ahaa ayay kooxdii dilka fulisay waxay marxuumka ka qaateen bistoolad iyo Mobile uu watay.

Laamaha amaanka oo goobta gaaray ayaan wali ku guuleysan inay gacanta ku soo dhigaa  kooxihii hubeysnaa ee dilkaan fuliyay.

XAFIISKA WARARKA

DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -