MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Dekada Magaalada Muqdisho ayaa la sheegay inuu soo gaaray Markab weyn oo ah nuuca Dagaalka lagana leeyahay Dalka Turkey.
Markabkaan ayay wararku tilmaanayaan  inuu ka mid yahay maraakiibtii Turkigu ugu talo galay inay sugaan amniga  Badda Somalia taasoo qeyb ka ahayd heshiiskii labada dal ay dhawaan galeen.
Warad kale ayaa sheegaya in Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu booqanayo markabkaasi islamarkaana ay macquul tahay xaflad lagu qabto Dekada taasoo lagu soo dhaweynayo markabkaasi.
Heshiiska Turkey iyo Somalia ayaa yimid kadib markii bishii Janaayo ee sanadkaan ay Adis-ababa heshiis ku kala saxiixdeen Itoobiya iyo Maamulka Somaliland kaasoo ahaa heshiis sharci daro ah oo Itoojiya rabtay inay ku boobto badda Somalia.
XAFIISKA WARARKA 
DAYNIILE.COM

Previous articleMaxaa ka soo baxay kulanka dhexmaray Wasaarada Gaadiidka iyo Hogaanka Taraafikada+SAWIRRO
Next articleCali Guud-laawe oo mashaariic kala duwan ka daah furay Degmada Balcad+SAWIRRO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here