Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gadiidka iyo Duulista Hawada Bashiir Macalim Cali Xassan oo ay weheliyaan qaar ka mid ah Agaasimayaasha Waaxyaha Wasaaradda ,ayaa kulan miro dhal ah la yeeshay, Taliyaha Hoogaanka ilaalada Nabad-geliyada Waddooyinka ee Ciidanka Taraafikada Soomaaliyeed General Axmed Xasan Maalin Iyo Taliyaha Qeybta Taraafikada Gobalka Banaadir G/dhexe Muuse Maxamed Xassan “Muuse Kheyr”.

Kullanka ayaa looga hadlay Caqabadaha ka taagan Wada marista, Bed-qabka Gaadiidka, Ka hortagga Shilalka iyo sidii loo dardargelin lahaa Nabad-galyada wadooyinka Caasimadda, iyo ilaalinta badqabka shacabka Soomaaliyeed.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka Iyo Duulista Hawada ayaa warbixin ka siiyay Taliska qorshaha cusub ee lagu casriyeynayo adeegyada Wasaaraddu u heyso bulshada,sidoo kale waxaa uu ballan-qaaday in sare loo qaadi doono Tayada Iyo Aqoonta Ciidanka ilaalada Nabad-gelyada Waddooyinka “Taraafiko”

Ugu dambeyn, Agaasimaha Guud W.G.D ayaa ku bogaadiyay Taliska Ciidanka Taraafikada iney sii laba jibaaraan shaqada culus ee ay qaranka u hayaan , iyo iney u dhimriyaan shacabka isticmaalaya wadooyinka.
May be an image of 1 person and newsroomMay be an image of 7 people, people studying and textMay be an image of 1 person and newsroomMay be an image of 1 person and textMay be an image of 1 person and textMay be an image of 5 people, suit, newsroom and textMay be an image of 1 person and newsroomMay be an image of 1 person
Previous articleHay’adda Maareynta Musiibooyinka oo Caawa soo saartay Digniino iyo talabixin
Next articleMaxaa ka jira in Dekada Muqdisho uu soo gaaray Markab dagaal oo Turkey laga leeyahay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here