Magaalada Garoowe ee Xarunta Puntland waxaa ka dhacay shir ay yeesheen Hay’adaha Caalamiga ah ee daneeya arimaha Soomaaliya iyo Dowllad Goboleedka Puntland.

Shirka waxaa shir gudoominayay ku-simaha Madaxweynaha, isla markaana ah Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland  Axmed Cilmi Cismaan (Karaash)  .

Advertisement

Sida warbaahinada Puntland lagu faafiyay waxaa shirkaani muhiimadiisa  looga hadlayay ilaa afar qodob kuwaasoo kala ah:-

1-Wacyi-gelinta xaaladaha bini’aadantinimo iyo baahiyaha ka jira Puntland.

2-Cusboonaysiinta hawlaha bani’aadantinimo ee hadda jira iyo kuwa la qorsheeyay, si wax looga qabto baahiyaha deg-degga ah iyo kuwa la filaayo.

3-Xoojinta isku xirka iyo habka wada shaqayneed ee kuwa ay ka dhaayso shaqadu.

4-Bilawga dadaalka mustaqbalka ee lagu heshiiyey, si loo hubiyo in jawaab waarta laga bixiyo baahiyaha iyo mudnaanta.

XAFIISKA WARARKA

DAYNIIILE.COM

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here