=XIGASHO BBC SOMALI=

CIIDAMADA BADDA HINDIYA

Advertisement

Sida uu BBC-da u xaqiijiyey wasiirka dekaddaha iyo gaadiidka badda ee Puntland Axmed Yasiin Saalax, ciidmada Hindiya ee ka midka ah kuwa ku sugan xeebaha Soomaaliya ayaa howlgal ku fuliyey Markabka ay gacanta ku hayeen koox burcad baddeed Soomaali ah oo lagu haystay xeebaha Puntland.

Howlgalka ayaa lagu sheegay inay fuliyeen ciidamada ilaalada badda iyagoo iskudayaya inay gacan ka geystaan inay caawiyaan Markabka oo ay saaran yihiin 18 shaqaale ah sida lagu sheegay warbixin ay sii daayeen ciidamada badda ee Hindiya.

‘‘Shalay galinkii danbe ilaa xalay ayaa ciidamada badda ee Hindiya weerer ku qadeen Markabka, warbixinaddii ugu danbeyey ee an helnay waxay sheegayaan in markabka qaybta danbe uu dab ka kacay oo laga arkayo bariga, xogtu waxay sheegeysaa in burcada ay qaybi dhaawac tahay” ayuu yiri wasiir Axmed Yasiin.

Wasiir Axmed, wuxuu BBC da u sheegay in dagaal dhexmaray ciidamada howlgalka fulinayey iyo burcad baddeeda oo uu tilmaamay inay yihiin kuwo aad u hubaysan.

‘‘Waxay samaynayaan waxkasta oo ay isaga yarayn karaan culayska waxay samaynyaan inay waxna gubaan, markabka dhexdhiisa dhaqdhaqaaqyo ka sameeyaan, laakiin qorshuhu waxaa weeye in aan qof burcad ah loo aabo yeelin haddii lagu gubayo ama ay ku dhimanayaan” ayuu intaas raaciyey Axmed yaasiin.WASIIR AXMED

Markabka ayaa taagan xeebaha ku beegan degmada Eyl, halkaas oo burcad baddeedu ku haysteen laakiin muddooyinkii danbe markabka ayaa gaaf wareegayey xeebaha badweynta hindiya gaar ahaan xeebaha Hobyo ilaa Eyl.

Burcada markabka afduubka u haysta ayuu wasiir Axmed xusay inay dhan yihiin ilaa soddon qof oo hubaysan kuwaas oo isugu jira kuwii ka soo afduubay biyaha caalamigaa iyo kuwo ku biiray markii ay qabsadeen ka dib.

Markabkan oo lagu magacaabo MV Ruen, ayaa laga leeyahay dalka Bulgaariya balse ku gooshayey calanka dalka Malta ayey burcad baddeed Soomaalidu ka soo afduubeen biyaha caalamigaa dhamadkii sanadkii 2023-kii.

Xilligii burcad baddeedu afduubayeen markabka waxa dhaawac gaaray mid ka mida ahaa shaqaalaha markabka saarnaa, kaas oo markii danbe ay burcadu ogolaadeen ina laga dajiyo ayna ku wareejiyeen markab dagaal oo Spain laga leeyahay oo ku sugan xeebaha Soomaaliya.

Warar kale oo an si rasmi ah BBC du u xaqiijin ayaa sheegay in markabka ay ciladi ka gaartay dhanka marwaxada sidoo kalana ay burcadu dileen qaar ka mida shaqaalaha saarnaa markabka.

Markabka MV Ruen, ayaa ahaa kii ugu horeeyey ee gala gacanta burcad baddeed Soomaali ah kuwaas oo qabsaday xilli uu marayey xeebaha badda cas.

Sida ay BBC du hore u tabisay markabkan ayaa siday badeecad ka kooban birr iyo maadooyinka dalaga beeraha lagu bacrimiyo

Dhanka kale burcadda ayaa dhawaan afduubatatay Markabka lagu magacaabo MV Abdullah uuna ka babanayay calanka dalka Bangaladesh.

Markabkan Abdulah ayaa ka soo ambabaxay dalka Mozambique kuna sii jeeday dalka Isutaga Imaaraadka Carabta, waxaana uu siday shixnad dhuxul ah oo dhan 55,000 oo tan, markii ay weerar ku qaadeen kooxo burcad badeed Soomaali ah 12-kii bishan Maarso.

=XIGASHO BBC SOMALI=

Previous articleGolaha shacabka oo beeniyay aqoonsi looga qeyb-qaatay qaraxii SYL Hotel
Next articleWararkii ugu danbeeyay ee xaalada GAZA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here