MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Sida maalmihii ugu danbeeyay baraha bulshada lagu baahiyay waxaa jira in kooxihii weeraray 2 habeen ka hor weeraray SYL Hotel in qaarkood ay isticmaaleen aqoonsiga shaqaalaha Golaha shacabka.

Haddaba masuul u hadlay Golaha Shacabka ayaa si weyn u beniyay warkaasi isagoo aqoonsigaasi ku tilmaamay mid been abuura oo Fake ah.

Advertisement

Xoghayaha Guud ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya waxaa uu shacabka Soomaaliyeed u cadeynayaa in aqoonsiga hoos aad ka arki kartaan uu yahay been abuur.

Masuuulkaan wuxuu xusay in shaqsiga meesha ka muuqda uusan kamid ahayn shaqaalaha Golaha Shacabka.

Dhanka kale Xoghayaha Guud ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya wuxuu uga digay cid kasta oo isku deyda inay  ka been abuurto  ID-ka Golaha Shacabka inay sharciga hor geyn doonaan.

XAFIISKAWARARKA
DAYNIILE.COMMay be an image of 1 person and text

Previous articleRa’iisulwasaare Xamze oo booqday xarumaha NISA iyo Booliiska+SAWIRRO
Next articleMaxaa xalay ku dhacay Burcad baddeed markab ugu afduubnaa xeebaha Soomaaliya?

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here