Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa kormeer shaqo ku tagey Taliska Ciidanka Hey’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka iyo Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, halkaas oo uu warbixinno ku saabsan amniga dalka kaga dhageystay Ku-simaha Wasiirka Amniga Gudaha, Taliyeyaasha ciidanka Booliska iyo NISA.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa faray hey’adaha amniga in ay dardargeliyaan xaqiijinta ammaanka dalka, kana feejignaadaan dhagarta uu cadowgu ku khal-khal gelinayo ammaanka, isla markaana ay ku doonayaan in ay kaga hor istaagaan dadka Soomaaliyeed gudashada waajibaad Alle.

Advertisement
Mudane Xamsa ayaa tilmaamay in Xukuumadda DanQaran ay ka go’an tahay ciribtirka kooxaha Khawaarijta ah ee banneystay daadinta dhiigga bulshada Soomaaliyeed, isaga oo xusay muhiimadda ay leedahay in shacabka iyo ciidanku ay yeeshaan iskaashi dhow, si loo fashiliyo shirqoolka cadowga.
May be an image of 3 people, dais, newsroom, the Oval Office and textMay be an image of 3 people and textMay be an image of 4 people, newsroom, dais and text
Previous articleHanti dhowraha Qaranka oo canaantay hay’adaha Dowlada ee daqli ururinta
Next articleGolaha shacabka oo beeniyay aqoonsi looga qeyb-qaatay qaraxii SYL Hotel

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here