MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-War qoraala oo ka soo baxay Hanti-dhworka gudu ee Qaranka ayaa lagu canaantay hay’adaha dowlada ee u qaabilsan dhanka daqli ururinta taasoo muujineysa inuu jiro gaabis iyo hanti lunsasho.

Hanti dhowraha isagoon hay;’ada iyo shaqsi gaara tilmaamin ayuu faray dhamaan hay’adaha daqli ururinta inay hantida qaranka si toos ah ugu shubaan qasnada dhexe ee Dowlada Somalia

“Dakhligu waa hal-bowlaha nolosha ee howlgalka, jiritaanka iyo shaqada dowladda, sidaas awgeed si dowladdu u hesho dakhli ku filan oo ay ku fuliso waajibka ka saaran bixinta iyo fududeynta adeegyada kala duwan ee dadweynuhu uga baahan yahay, dowladda waa in dhammaan Dakhliyada kala duwan ee ay qabtaan hay’adaha dowladdu ay si dhammeystiran u gaaraan Khasnadda dhexe ee dowladda,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay xafiiska Hantdhowrka guud ee qaranka.

Lama yaqaan waxa soo dedejiyay warkaan misaankiisa leh ee ka yimid hanti dhowraha guud ee qaranka.

Advertisement

Waxaa suurtagal ah in tani tahay digniin horu dhac ah oo hadii ay ku tusaale qaadan waayaan ay ku soo xigi karto magacaabis hay’ado iyo ku soo oogis musuq maasuq.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

May be an image of text that says 'XAFIISKA HANTIDHOWRKA GUUD EEJAMHUURIYADDA FEDERAALKA SOOMAALIYA HOGGAANSANAANTA SHARCIGA Qodobka 42aad (4) Sharci Lr. 17, 2019 Dhammaan dakhliga Dawladda waa in lagu xareeyo Xisaabta Khasnadda Mideysan (Consolidated Treasury Account) ee Bangiga Dhexe ugu badnaan hal maalin shaqo gudaheed, marka la 500 uruuriyaba. Si looga Fogaado halista ka dhalan karta dib u dhigidda xareynta dakhliga dowladda Si Waafaqsan Qodobka 42aad (4) Sharci Lr. 17, 2019, waa in dhammaan y'adaha iyo saraakiisha ku shaqada leh qabashada dakhligu ay hubiyaan dhammaan dakhliga Dawladda lagu xareeyo Xisaabta Khasnadda Mideysan (Consolidated Treasury Account) Bangiga Dhexe ugu badnaan hal maalin shaqo gudaheed marka S00 uruuriyo. @oagsomalia'

Previous articleXOG: Madaxweyne Xasan oo lagu wado inuu is badal ku sameeyo Hay’adaha amaankam
Next articleRa’iisulwasaare Xamze oo booqday xarumaha NISA iyo Booliiska+SAWIRRO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here