Warar ku dhaw dhaw Madaxtoyada Soomaaliya ayaa sheegaya in Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud saacadaha soo socdo uu is badalo ku sameynayo hay’adaha amaanka.

Talaabadaan ayaa soo dedejisay kadib markii uu ka carooday qaabkii uu u dhacay weerarkii SYL Hotel oo aad ugu dhaw madaxtooyada Somalia.

Advertisement

Madaxweynaha oo shalay booqday Xarunta NISA ayaa indhihiisa ku soo arkay muuqaaladii ay duubeen kaamirooyinka qarsoon isagoona waliba muuqaalka ka dhex arkay gawaari la socotay kuwa is qarxiyay kuwaasoo jagboyntiyada soo gudjiyay gawaaridaasi .

Sidoo kale Madaxweynaha wuxuu arkay ragii la dhex dagaalamayay hoteelka oo nawaaxiga madaxtooyada marna mid dhexda laga sii qaadaayay taasoo cadeyn u ab in saraakiil dowlada ka tirsan ay Alshabaab u sahleen weerarka.

Madaxweynaba oo waxbadan indhihiisa ku soo darsay ayaa wararka madaxtooyada ku dhaw waxay sheegayaan inuu si deg deg an u qaadayo talaabo uu is badal ugu sameynayo Hay’adaha amaanka.

Xil ka qaadis kaliya maahee waxaa dhici karta in xarig iyo maxkamadeyna ay tomaado hadii cadeymaha la hayo ay isa sii furaan.

Shakiga ugu badan wuxuu ku fooraraa Taliyaha Nabad sugida Qaranka Mahad Salaad oo habacsanaanta jirta ay dhankiisa ka timid madaama sirdoonka uu madax u yahay.

XAFIISKA WARARKA

DAYNIILE.COM

Previous articleAskar hore gaari ula goosatay Alshabaab oo maanta ka soo muuqdayMaxkamada Kismaayo
Next articleHanti dhowraha Qaranka oo canaantay hay’adaha Dowlada ee daqli ururinta

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here