Waxaa si xowli ah usoo badanaya tirada kooxaha Dagaalyahanada Kooxda Alshabaab  ee isku soo dhiibeysa Dowlada Soomaaliya iyo Maamul Goboleesdyada.

Kooxdaan oo ka dagaalanta Dalalka geeska Africa ayaa ku xiran Urur weynaha Alqaacida oo la ogaa dagaalkii ay Mareykanka kula galeen Afgaanistaan sanadihii 2001 ilaa 2003-dii .

Advertisement

Sarkaal Dowlada u hadlay ayaa sheegay in labadii Bilood ee u danbeysay ay isasoo dhiibeen 107  dagaalame oo uu ugu danbeeyay kii shalay iska so dhiibay Gobolka Bakool.

Masuulkaani wuxuu tilmaamay in Alshababka isasoo dhiibay ay isugu jireen dhalinyaro,caruur,haween,iyadoo xitaa ay ku jireen saraakiil sare.

Sidoo kale wuxuu sheegay intooda badan ay iska soo dhiibeen Maamulada Hirshabelle,Galmudug iyo Koonfur-Galbeed.

XAFIISKA WARARKA

DAYNIIILE.COM

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here