Muqdisho, April 19, 2024: Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa Xafiiskiisa Villa Hargeysa ku qaabilay, Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Mudane Maxamuud Macallim Cabdulle oo uu wehliyo Lataliyaha Hay’adda ee Ka-hortaga Leexsashada Gargaarka Mudane C/khaadir Shariif Shiikuna.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo warbixin ka dhageystay Guddoomiye Maxamuud Macalin ayaa waxaa uu sheegay in hay’addu ay xoojin doonto dardar-gelinta shaqada qaranka, iyo gaarsiinta gar-gaarka banii’aadannimo, maadaama la galay xilli roobaadka Gu’a lagana cabsi qabo fatahaado sababa barakac iyo dhibaatooyin hor leh.

Advertisement

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa boggaadiyay shaqada baaxada leh ee ay u heeyso bulshada Soomaaliyeed, waxaana uu faray in bulshada Soomaaliyeed la gaarsiiyo digniino, isla-markaana laga wacyi-geliyo goobaha looga cabsi qabo in ay dabeelaha ku dhuftaan, hay’adduna ay mas’uuliyad gaar ah iska saarto ilaalinta iyo bad-qabka dadka u nugul musiibooyinka dabiiciga ah.

DHAMMAAD

 

Previous articleQaxooti reer Kaakuma ah oo Maanta loo qaadayo Dalka Canada
Next articleC/raxman C/shukuur muxuu ka yiri xiisada ka taagan xaruntii Dab-damiska

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here