Wararka laga hega helaayo Xerada qacootiga Kaakuma ee Dalka Kenya ayaa sheegaya in Qaxooti u badan Soomaali maanta loo qaadayo Dalka Canada.

Dadkaan mudo sugaayay in codsi ay dirsadeen loo fuliyo ayaa ugu danbeyn ku guuleystay in hamigoodii u rumoobay.

Advertisement

Dadka maanta la qaadayo ee helay qaabilaada Dalka Canada tiradooda lagu sheegay 50 ruux.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in 50-ka ruux saakaba ku sugan yihiin garoonka diyaaradaha Nairobi ee Xatunta Dalka Kenya.

Inta badan qaxootiga Soomaalida  ku sugan xeryaha  ama kaamamka Kenya ayaa  ka codsada dalalka Mareykanka iyo Canada inay siiyaan nolol dhaanta mida ay qaxootiga ku yihiin

XAFIISKA WARARKA

DAYNIILE.COM

Previous articleDowlada Somalia oo ka hadashay Heli-copterka ku burburtay Kenya
Next articleMaxay ka wada hadleen Adan Madobe iyo Maxamuud Macalin

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here