Waxaan cambaaraynayaa rasaasta la huwiyey mudaaharaadkii maanta Muqdisho ka dhacay. Raali kama ihi rabshadaha iyo dhagaxtuurka dibadbaxayaasha, waxaase ka halis wayn adeegsiga rasaasta nool.

Sawirada halkan ka muuqda waa 19 Febraayo 2021, waxaa rasaas na huwiyey ciidanka Dawladda. Maalinkaa Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madaxweynihii xilka kaga horreeyey Shariif Sh. Axmad waxaa ku hareeraysnaa ciidan ku soo weeraray hoteelkii ay degganayeen.

Advertisement

Madaxweynihii sidaa yeelayna, maanta dal kale ayuu marti u yahay, kii uu weerarka ku ahaa ayaa dalka xukuma. Abwaan Cabdi Muxumad Amiin (AUN), ayaa laga hayaa

“Taariikhdu dadkay bartaa
Dunida waayaheedee”

Sheegow waa sarkaal ciidan, haddii uu dambi galay waxay ahayd in Maxkamad ciidan bixiso amarka soo qabashadiisa, shacabkana lagu wargeliyo hawlgalka ka dhanka ah, warbaahintana laga ilaaliyo sida bahdilan ee loo soo bandhigay.

Dhaqanka askarta soo qabatay mid la daafaci karo ma ahayn, waxaase indhaha looga laabanayey dagaalka ay dawladu argagexisada AS kula jirto.

Haddiise xaalku gaaray in dibad-baxayaal la rasaaseeyo, ilaa iyo haatanna aysan dawladdu ka hadal, waxaa nagu waajib ah in aan caddayno in uu gaboodfal yahay falka maanta lagu kacay.

Igama aha in aan daafacayo dibad-baxayaal la rasaaseeyey oo keli ah, ee waxaa iila jira in aan xuquuqdayda ka difaaco bawdka banaankiisa, si tani aysan u noqon wado halaq mareen.

Previous articleCiidamada Dowlada oo Rasaaas hugiyey Banaanbaxayaasha Jareer weyn
Next articleRW Xamsa oo shirguddoomiyey kulan daaranaa u diyaargarowga shirka Isbeddelka Cimilada Adduunka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here