Weli waxaa magaalada Roma ee dalka Talyaaniga ku sugan madax kala duwan oo ka socda dalalka Afrika iyo Yurub, kuwaas oo halkaas uga socda shir uu Talyaanigu isugu yeeray oo u dhaxeeya dalalka Afrika iyo Yurub.

Madaxweynaha Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud oo kamid ah madaxda halkaas ku sugan, ayaa kulan gaar ah la yeeshay madaxweynaha Talyaaniga, Sergio Mattarella, kaas oo uu kala hadlay qodobo ay kamid yihiin heshiiskii is-afgarad ee badda, iyo dagaalka ka dhanka ah al-shabaab.

Advertisement

Sida ay sheegtay idaacada BBC Somalia Madaxweynaha Talyaaniga ayaa balan qaaday inuu Somalia kala shaqeyn doono sidii Caalamka loo tusi lahaa sharci darada heshiiska dhex maray Maamulka Somaliland iyo Itoobiya.

Previous articleDagaal khasaare badan sababay oo xalay dhex-maray Alshabaab iyo Daraawiishta Koonfur-galbeed
Next articleDaawo: Masuuliyiin u istaagay xalinta Colaad beeleedka xadka Hiiraan iyo Sh. dhexe

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here