Wasiirka Difaaca JFS Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) oo khadka taleefonka kula hadlay Wasiiru Dowlaha Difaaca ee Dowladda aan walaalaha nahay ee Isutagga Imaaraadka Carabta (UAE) ayaa uga tacsiyeeyay xukuumadda, shacabka iyo ciidanka dowladda aan walaalaha nahay ee Imaaraadka geerida saraakiisha Imaaraadka ahaa ee ka dhalatay weerarki argagixiso ee ka dhacay xera Goordan.

Saraakiisha geeriyootay ayuu sheegay wasiirku in ay yihiin halyeeyo sumad u ahaan doona kaalinta dowladda Imaaraadku kaga jirto la dagaallanka argagixisada caalamiga ah iyo dib u dhiska dowladnimada soomaaliyeed.

Advertisement

Waxa uuna rabbi uga baryay in uu u naxariisto shuhadada, inta dhaawaca ahna uu u booga dhayo, ehelkoodina samir iyo iimaan ka siiyo.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in ay socdaan baaritaanno lagu hubinayo wixi dhacay, iyo in falka argagixisada ee fulaynimada ahi uusan waxba u dhimi doonin xiriirka iyo iskaashiga istiraatiijiga ah ee laba dal.

 

Previous articleWarbixin Dastuurka ku saabsan
Next articleCiidamada Israa’iil oo soo bad-baadiyay laba heyste

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here