Madaxweynaha Soomaaliya Dr.Xasan Sheekh Maxamuud ayaa muda xileedkiisa calaamadeystay inuu guul ka keeno 5 higsi uu tiigsanaayo kuwaasoo kii ugu horeeyay uu maalmo ka hor soo xareystay taasoo ah ku biirista Soomaaliya Dallada Bulshada Bariga Afrika.

MAXAY KALA YIHIIN 5-TA HIGSI UU XASAN TIIGSANAAYO INUU GUUL KA KEENO 

1-ku biirista Dallada Bariga Afrika.

2-Deyn cafinta

3-Cunaqabteynta hubka in laga qaado Somalia

4-Guul ka gaarista Dagaalka  Alshabaab.

5-Dhameystirka Dastuurka iyo wax ka badalkiisa.

Marka laga soo tago higsigiisa koowaad oo guuleystay waxaa jirta laba higsi kale oo bisha December uu afkiisa ka sheegay inay u badan tahay  inay guul ka gaaraan kuwaasoo kala ah Deyn cafinta iyo cunuqabateynta hubka.

SOO JIIDASHADA KHUDBADA MADAXWEYANAHA.

Khuabadiisii doraad uu ka jeediyay furitaankiisii kalfadhiga 4-aad ee baarlamaanka labada Aqal waxaa ku jirtay in bilowga bisha December Somalia laga cafin doono deymaha sidoo kalana bartamaha December sidaas oo kale Somalia laga qaadi doono cunaqabteynta hubka.

Hadalkaan Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa aad u soo jiidatay Soomaalida isticmaasha baraha bulshada iyo waliba dadka siyaasada aadka u daneeya.

Hadaba guushiisii koowaad  hadii uu ku darsado labadaan guul ee December ku calaamadeysan  waxaa is weydiin mudan maxay kaga dhigan tahay Madaxweynha..

Dadka siyaasada u dhuun duleela waxay aaminsan yihiin in hadii Xasan guulahaan uu isku xaqiijiyo ay ka caawin doonto Madaxweyne Xasan.

1-Kalsoonida Shacabka Soomaaliyeed

2-Kalsoonida Baarlamaaanka

3-Kalsoonida Beesha Caalamka

4-Kalsoonida nafsi ahaantiisa

Qolooyinka siyaasada waqtiga siiya waxay aaminsan yihiin in intaan oo kalsooni ay aad ugu sahli karto Xasan Sheekh inuu si fudud ku helo mudo kordhin intuu raba ah ama in taariikhda markiisii sedaxaad loo doorto Madaxweynaha Soomaaliya.

Caqabadaha ku hor gudban xaqiijinta guulahaan.

Xaqiijinta guulahaas iyo damaca Madaxweynaha waxaa caqabad ku noqon kara mucaaradkiisa, Alshabaab iyo Beesha Caalamka.

Alshabaab waxay caqabad ugu noqonn karaan hadii ay iska difaacaan qorshaha Dowlada ee ah in laga cirib tiro jiritaankooda gudaha Somalia.

Mucaaradka waxay caqabad ugu noqon karaan hadii ay weerar siyaasadeed kaga hor tagaan guulahaasi u muuqda Madaxweynaha wado kasta ha maraane.

Beeha caalamka waxay caqabad u noqon karaan hadii ay ka hor istaagaan qorshayaasha guusha u horseedi kara sida iyaga oo ku adkeeya qodobada iyaga dhankooda ku xiran sida cunuqabateynta hubka in laga qaado Somalia iyo in deynta laga cafiyo.

QORRE:  Wariye Suud ma-qaate

Previous articleDanjire Jabriil Ibaraahim Cabdule ” Safiir Tarsan shaqo fiican ayuu qabtay,aniga halkaas ayaan ka sii wadayaa Insha Alalah”+SAWIRRO
Next articleMadaxweynaha Hirshabelle oo Muqdisho soo gaaray+SAWIRRO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here