Muqdisho: 26, Nofeembar, 2023: Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta si diiran loogu soo dhoweeyay Magaalada Muqdisho ee Caasimada dalka.
Madaxweynaha waxaa garoonka diyaaradaha ee Aaden Cade kusoo dhoweeyay Wasiiro, Xidhibaanada Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Qaar kamid ah Xubnaha Labada Gole ee Dowladda Hirshabeelle, qeybaha bulshada iyo Masuuliyiin kale.
Madaxweynaha ayaa ka warbixiyay xaaladaha guud ee Hirshabeelle gaar ahaan arrimaha amniga, howgalada lagu baacsanayo kooxda khawaarijta ah ee ka socda deegaanada Hirshabeelle, arrimaha nabadeynta iyo saameynta deegaanada Hirshabeelle uu ku yeeshay roobabka iyo fatahaadaha wabiga shabeelle.
Madaxweynaha ayaa tilmaamay inuu booqday furimaha hore ee dagaalka si uu dhiirigeliyo ciidankeenna geesiyaasha ah ee har iyo habeenba u taagan baabi’inta cadowga shacabka Soomaaliyeed isagoo intaa ku daray inay wadaan abaabul dhowaan loo ruqaansan doono xoreynta deegaanada galbeedka Hirshabeelle.
Madaxweynaha xusay in saameyn aad u daran ay u geeysteen roobabka iyo fatahaadaha wabiga shabeelle degmooyinka Beledweyne, Buulo-burde, Jalalqsi, Mahadaay iyo Jowhar isagoo adkeeyay inay ugu daran tahay Magaalada Beledweyne oo dadkii deganaa ay ka barakaceen waxa uuna shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay caawiyaan dadka ay saameeyeen roobabka iyo Fatahaadaha.
-DHAMAAD-
XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADD HIRSHABEELLE
May be an image of 4 people, suit and aircraftMay be an image of 12 peopleMay be an image of 7 peopleMay be an image of 4 peopleMay be an image of 9 peopleMay be an image of 6 peopleMay be an image of 9 people, dais and newsroomMay be an image of 8 people and newsroomMay be an image of 6 peopleMay be an image of 11 people, dais and textMay be an image of 8 people and text that says "DOMESTIC ARRIVAL ARRIVAL"May be an image of 9 people and textMay be an image of 10 peopleMay be an image of 7 peopleMay be an image of 7 peopleMay be an image of 9 peopleMay be an image of 8 peopleMay be an image of 6 peopleMay be an image of 1 person and daisMay be an image of 4 people and daisMay be an image of 1 person and dais
Previous articleMaxay kaga dhigan tahay Dr.Xasan Sheikh haduu guul ka keeno 5-tiisa Higsi ?
Next articleRa’iisul Wasaare Xamsa oo dul istaagay baaxadda dhibaatada Roobabka El-nino ee soo gaartay deegaannada Jubbaland+SAWIRRO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here