Muqdisho (dayniiile.com)-Maxkamada Ciidamada qalabka sida ee Dowlada Soomaaliya ayaa maanta xukun ku riday eedeysane ka tirsan Kooxda Alshabaab kaasoo u qaabilsanaa dhanka dhaqaale ururinta.

Ninkaan Alshabaabka ka tirsan oo lagu magacabo Xaashi Garaad Cali Caalin (Yaxye) ayaa lagu eedeeyay inuu kooxda u ururin jiray lacagaha baada ah ee laga qaado shacabka ku dhaqan Gobolada Galgaduud iyo Mudug sida xeer ilaalintu xuseen.

Advertisement

Ninkan wuxuu si gaar ah uga howlgeli jirey  Xarardheere, Joowle Caad iyo Bacaadweyn iyadoo ugu danbeyna laga soo qabtay deeganka Baraak Ciise ee gobolka Mudug Todobadii bisha July ee sanadkan isaga iyo nin kale kaasoo geeriyooday markii ay is rasaaseeyeen cidamada Dowlada waxayn wateen laba qore oo AK47 ah,

Eedeysanaha Xaashi Garaad Cali Caalin (Yaxye) oo dhawac ahaan lagu qabtay lana daweeyay ayaa uu danbeyn maanta waxaa lagu xukumay 10 sano oo xarig h kadib baritaano kiiskiisa la xiririra ah.

XAFIISKA WARARK
DAYNIIILE.COM

May be an image of 1 person and text

Previous articleMadaxweynaha oo maanta abaal-marino gudoonsiiyay Xildhibaano Aqalka sare ka tirsan+SAWIRRO
Next articleFast & Effective Fat Burner For Men-PrimeShred

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here