MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Maxamed Aadan Jimcaale (Koofi) Agaasimihii hore ee Hay’ada Socdaalka iyo Jinsiyadaha ayaa ilaa iyo hada lagu la’yahay cadeyn ku saabsan waxyaabihii lagu soo eedeeyay ee ahaa inuu hanti qaran lunsaday.

Dacwadihii ka yimid Maxkamada Gobolka Banaadir ayaa dhowr bilood waxaa laga waayay cadeyn ku saabsan danbiga loo heysto iyadoo wararkii ugu danbeeyay ay cadeynayaan in masuulkaani lagu xad-gudbay iyadoo waliba xilkiisiina uu ku waayay dacwadaan loo heysto taasoo ugu danbeyn cadeyn lagu waayay.

Advertisement

Maxamed Aadan Koofi oo dalka ka maqan ayaa warar aan la xaqiijin waxay sheegayaan in xitaa loo diiday inuu dalka ku soo laabto suu iau difaaco.

Muuqaalada fadhiyadii ugu danbeeyay ayaa muujinaya in xeer ilaalintu heyn cadeymo muujinaya inuu hanti lunsaday mana jirto xitaa baaritaano rasmi ah laguma sameyn akoonadiisa.

Wararka kale ayaa sheegaya in arimo siyaasadeed ay ka danbeyso dacwadiisa iyo sumcad dilkiisa inkastoo iyada lafteeda aanan xaqiijin karin.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Previous articleWaa sidee Xaalada Magaalada Baraawe oo shalay lagu dagaaalamay.
Next articleNin Tooreey dad badan ku dilay Dalka Australia

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here