SYDNEY (DAYNIILE.COM)-Nin toorrey ku hubaysan ayaa la soo sheegayaa inuu dad badan ku laayay Magaalada Sydney ee Caasimada Dalka Australia.

Ninkaan wuxuu nafta dhaafiyay 5 ruux halka kuwa kalana uu dhaawacay kadib markii uu ku weeraray goob ganacsi oo laga tukaameysto xili dad badana ay ku sugnaayeen.

Advertisement

Dadkii goobtaasi ku sugnaa ayaa mar kaliya waxaa soo wajahay argagax iyo jaahwareer iyadoona dadku kala carareen..

Baabuurta gurmadka deg dega ayaa goobts soo gaaray kuwaasoo qaadayay dhaawacyada si goobaha caafimaadka ay u gaarsiiyaan.

Ninka gacan ku dhiiglaha waxaa markii danbe toogtay ciidamada Booliiska gaar ahaan haweeneey ka mid ahayd ciidamada.

Ra’iisul wasaaraha Australia Antony Albanese ayaa ka hadlay dhacdaani wuxuuna amaan u jeediyay askariyada toogatay ninka dadka laayay isagoona geesiyad ugu yeeray.

XAFIISKA WARARKA

DAYNIILE.COM

Previous articleMaxkamada oo cadeyn ku weysay Maxamed Aadan Koofi
Next articleJabhad Alshabaab ka tirsanaa oo isku soo dhiibay Dowlada

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here