BARAAWE(DAYNIILE.COM)-Waxaa saaka degan Xaalada Magaalo Xeebeedka Baraawe oo shalay uu ka dhacay dagaal u dhexeeyay Ciidamada Dowlada iyo kuwa Daraawiishta maamul goboleedka Koonfur Galbeed.

Labada dhinac waaxaa la sheegay inay dhibaato is gaarsiiyeen, walow aan tira koob sax ah laga heyn khasaaraha kala gaaray.

Advertisement

Gudoomiyaha Degmada Baraawe oo wax laga weydiiyay ayaa sheegay in xaaladu degan tahay islamarkaana jawigu si caadi ah uu ku soo laabtay.

“Ciidamada Dowlada dhexdooda ayaa is gaaray markiibana waa la kala dhex galay,guud ahaan dhaq dhaqaaqyadii isku socodka iyo ganacsigaba hada way shaqeynayaan”ayuu yiri Gudoomiyaha Baraawe.

XAFIISKA WARARKA

DAYNIILE.COM

Previous articleXamze Cabdi-Barre oo Miltariga u Hambalyeeyay
Next articleMaxkamada oo cadeyn ku weysay Maxamed Aadan Koofi

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here