GAZA (DAYNIIILE.COM)-Wararka laga helaayo Marinka Gaza ayaa sheegaya in meydadka dadka Falastiin inay daadsan yihiin wadooyinka Magaaladaasi iyo waliba burburka guryaha madaafiicda lagu burburshay.

Wariyayaasha Aljazeera sida ay soo tabinayaan Magaalo lagu magacaabo Beit Lahia, oo ka tirsan waqooyiga marinka Gaza ayaa laga soo sheegayaa daraasiin meydad ah oo ku qurmay wadooyinka.

Advertisement

Maamulka difaaca madaniga ah ee waqooyiga marinka Gaza ayaa warkaan u xaqiijiyay Aljazeera.

“Inta badan meydadka laga soo saaray Beit Lahia waxaa lagu toogtay waddooyinka waxaana dildillaaciyay eeyaha,” ayaa lagu yiri warka laga helay Maamulka difaaca madaniga ah

Afhayeen u hadlay reer Gaza ayaa sheegay in xerada Jabalia lagu xasuuqay dhowr mar shacab badan oo reer Falastiin.

Arbacadii, xafiiska xuquuqul insaanka ee Qaramada Midoobay ayaa sheegay in ay heleen warbixino naxdin leh oo sheegaya in ciidamada Israa’iil ay si kooban u dileen ugu yaraan 11 falastiiniyiin ah oo aan hubaysnayn  taaso noqoneysa dambi dagaal oo ka dhacay Gaza.

=SOURCE ALJAZEERA=
XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM

Israeli soldiers at a position in the Palestinian town of Beit Lahia

Previous articleDooni Ganacsi oo mar kale laga qafaashay xeebaha Somalia
Next articleSAWIRRO: Falastiiniyiinta oo saf ugu jira raashin karsan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here