MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Shir jaraa’id ay maanta Muqdiso ku qabteen midowga Jaamacadaha Muqdisho ayay si aan la fileyn waxay ugu hadleen xurguf yar oo u dhexeysa iyaga iyo dowlada.

Masuul u hadlay Jaamacadaha midoobe ayaa ugu hanjabay Dowlada Soomaaliya inay  qaadayaan talaabo culus oo ay kaga jawaabayaan carqaladeyn uu sheegay inay ciidamada dowladu ku hayaan jaamacadaha.

Advertisement

Mar uu ka hadlaayay waxay tabanayaan wuxuu sheegay in ciidamo Dowlada ka tirsan ay carqalad ku hayaan goobahooda waxbarashada arimo ku saabsan canshuur laga rabo jaamacadaha.

“Anaga canshuur diidayaal ma nihin Dowladana waxaan ugu baaqeynaa inay  naga daayaan caga jugleynta iyo carqaladeynta mar danbana hanoo soo dirina ciidamo”ayuu yiri Masuulkaasi u hadlay jaamacadaha

XAFIISKA WARARKA

DAYNIILE.COM

Previous articleWasiirrada oo meel meriyay Guddoomiyaha iyo Agaasimaha Bangiga Horumarinta Soomaaliya
Next articleShamuure Qabiilkii?

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here