Shamuure Qabiilkii

Maashaa Allaah, inshaa Allaah.

Advertisement

Hore waxaa loo dhihi jiray Md. Shamuuree waa Qabiilka (. 5 )
Haddaa waxa uu noqday Caan, waxa uu ku guuleystay 1 Million Followers, laga yaabee in uu helo Lacag badan.

Hadda waxaa isku heysto Afarta Qabiil ee sheegata in ay yihiin Qabiiladda waaweyn, Qola waliba waxa ay leedahay Asalkiisu Anaguu ahaa, ama Abtiyaal ayaan u nahay.

Ha isku noqon Caan si aadan u dhumin qabiilkaaga. Taasi waxa ay muujinee in Dad badan oo caan ah ayna u dhalan qabiiladda lagu sheego, laakin la kala bililiqeystay.

Wadanka Ruwanda, waxaan u maleey jiray in Hutu iyo Tudsi ay yihiin laba qabiil. Markii aan tagay Ruwanda waxaan ogaaday in ayna sidaa aheyn isticmaarkii Belgium-ka ka hore, laakin ay aheyd haddii Laba Nin oo walaalo ah isku Aabe iyo Hooyo ah, haaddii mid uu Lo’ badan leeyahay waxa uu noqonayay Qabiilka Tudsi, haddii Xooluhu ka dhamaadaan waxa uu noqonaa Qabiilka Huutu.
Mana jirin Qabiil u dhalsho ah. Labada midba qabiil ayuu noqonaa, haddii isla isaga xaaladiidu is bedesho Qabiilkiisuna waa is bedelaa.

Somaliya ma tahay, mise laga yaabaa in Qabiilka Qofku uu noqdo xaaladda Nololeed ee uu ku sogan yahay. Meeqa Qof oo caan ah ayaa somalidu kala bililiqeysatay?
Shamuure ayaan la bililiqeysan.

Geegii mariid qabiilkee heeytay?

Qore: Yahya Amir

Previous articleMidowga Jaamacadaha oo u hanjabay Dowlada Dowlada
Next articleAskari hore wax u dilay oo lagu fuliyay xukun dil ah

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here