War ka soo baxay Gudiga Midowga Yurub ugu qaabilsan kaalmooyinka ayaa daboolka ka qaaday inay si KMG ah u joojiyeen kaalmooyinkii ay siin jireen Soomaaliya.
Midowga Yurub oo kaalmafa sii mansion jirey WFP waxay ku sheegeen sababta ay kaalmada u joojiyeen inay tahay kadib markii la musuq maasuqay kaalmooyinkii u danbeeyay ee ay siiyeen Soomaaliya.
Warka Midowga Yurub ka soo baxay waxaa lagu sheegay inay jiraan shabakad xirirsan oo musuqaasi saldhig u ah .
“Qolooyinka iska leh dhulka laga hirgeliyay kaamamka,ciidamada,maamulada kaamka iyo masuuliyiinta Dowlada dhamaantood waa shabakad qolo kasta lacagaha qaab wax ku cunto”ayuu lagu yiri warka Midowga yurub.
Sanadkii u danbeeyay wuxuu Midowga Yurub xusay inay ku bixiyeen Soomaaliya $7 Milyan isla markaana aysan gaarin dadkii loogu talo galay.
Sidoo kale $1.2 Bilyan ayuu sheegay midowga yurub inuu ku bixiyay Soomaaliya sanadkii 2021 ilaa hada.
Si kastaba Midowga Yurub lama yaqaan xiliga uu soo afjaraayo baaritaankoooda iyo xiliga ay xanibaada qaadayaan kaalmo bixintooda kaamamka Soomaaliya iyo sidoo kale talaabada ay qaadi karaan.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM