New Yor (dayniiile.com)-Hasy’ada Qaranada Midoobe ayaa mudo kordhin u sameysay Ciidamada Mudowga Afrika ee ku sugan Soomaaliya kuwaasoo ku howlgala magaca ATMIS xli waqtigii hore gabaabsi ka yahay islamarkaana horaanta 2024 ayba ahayd inay ka baxaan dalka islamarkaana Ciidamada Soomaalida ay Amniga dalka ay si rasmi ah ula wareegaan.

Shir Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay uu yeeshay ayay maanta ka soo saaareen in Howlgalka Atmis lagu daray 6 bilood sidaas daraadeedna ay shaqdooda sii wadan karaan ilaa bisha june ee sanadka 2024.

Advertisement

Dalalka Xubnaha ka ah Golaha amaanka Qaramada Midoobe ayaa qaraarka ay ku meel mariyeen mudo kordhintaan  wuxuu tirsigiisu yahay  2710  kaaso maanta soo baxay.

Qaraarkaan wuxuu sidoo kale u fasaxay dalalka ATMIS kuu jira inay soo kordhiyaan 31-ka Bisha December Ciidamo gaaraya 17,626 kuwaasoo qorshuhu yahay inay ka qeybqaataan wajiga labaad ee dagaalka ka dhanka ah Alshabaab.

Go’aankaan waxaa ka muuqanaya isbadal xoog leh oo ku yimid qorshihii hore ee ahaa in Ciidamada Soomaalida isku filan yihiin islamarkaana la dhimo ciidamada Midowga Afrika ee ATMIS balse hada waa cagsi oo qaraarkaan waxaa ku jirta ciidamo hor leh oo Soomaaliya imaanaya isla bilihii awal qorshuhu ahaa in dalka laga saaro qaar ka mida Ciidamada ATMIS.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM

ATMIS oo billowday dhimista ciidamada ka jooga Soomaaliya – Radio Dalsan

Previous articleXiliga uu furmaayo kalfadhiga 4-aad oo la shaaciyay+SAWIRRO
Next articleMadaxweyne Xasan Sheekh oo Saraakiisha kala hadlay Amniga iyo Howlgalka dagaalka Al-shabaab+SAWIRRO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here