Muqdisho, November 16, 2023: Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo ay wehliso Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Golaha Shacabka Marwo Sacdiyo Yaasiin Xaaji Samatar, ayaa shir guddoomiyay kulanka Guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabka BJFS.
Kulanka Guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabka oo ajandihiisu ahaa ansixinta iyo mudeynta furitaanka kalfadhiga 4-aad ee Baarlamaanka labadiisa aqal, iyagoo ay goob joog ahaayeen xubnaha guddiga, waxaana ugu horreyn warbixin ka jeediyay Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe, isagoona mid mid u dul istaagay safaradii uu ku tagay Talyaaniga iyo Mareykanka, iyo safaro gaagaaban oo uu ku tagay qeybo ka mid ah dalka gudihiisa.
Fadhiga maanta ayaa ku soo gabagaboobay in kalfadhiga 4-aad ee Baarlamaanka 11-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya uu si rasmi ah u furmo Sabti 25-November-2023-ka.
DHAMMAAD
May be an image of 1 person, dais and textMay be an image of 1 person, dais and textMay be an image of 5 people and daisMay be an image of 2 people, newsroom and textMay be an image of 1 personMay be an image of 5 people, dais and textMay be an image of 4 people and daisMay be an image of 5 people, dais and newsroomMay be an image of 1 person and daisMay be an image of 2 people and daisMay be an image of 2 people, people studying, newsroom and daisMay be an image of 4 people, dais and textMay be an image of 3 people, newsroom and daisMay be an image of 2 people, dais, newsroom and textMay be an image of 3 people, beard and suitMay be an image of 3 people and beardMay be an image of 2 people, dais and text

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here