Musharaxa jagada Madaxweynaha e Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI ahna Musharaxa xilka  Madaxweynaha ee Maamulka Somaliland  C/Raxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro) ayaa si adag kaga hor-yimid una cambaareeyay Wariyaha la sheegay in Maxkamad Ciidan la hor geynayo

“Waxa aan si xoogan u cambaaraynayaa tallaabada qayrul-dastuuriga ah ee suxufiyiinta iyo muwaadin kasta oo kale oo rayid ahba lagu saarayo Maxkamadaha millatariga”ayuu yiri Musharax Cirro

Advertisement

Gudoomiyaha Xisbiga Wadani Mr.Cirro wuxuu ku baaqay in si degdeg ah xoriyadiisa loogu celiyo Gudoomiyaha MM TV.

“Dulmigu weligii taariikhda ma shaqayn, iminkana weligii shaqayn maayo, waxaanan shacbiga reer Somaliland ku boorinayaa inay si xoogan u feejignaadaan oo ay ilaashadaan dastuurkooda, isla markaana ugu midoobaan sidii ay xuquuqdooda dastuuriga ah u difaacan lahaayeen” ayuu mar kale yiri C/raxmaan Cirro

Previous articleRa’iisulwasaare Xamze oo qaabilay Safiirka Talyaaniga
Next articleGaryaqaan Mubaarig “Muuse Biixi dhul uu bixiyo iska-daaye xitaa isbadal kuma sameyn karo”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here