=XIGASHO BBC-SOMALI=

Advertisement

Dhacdadii cimilo ee aadka u xooganeed ee Elnino oo sida dhacdooyinka kale ee isbadalka cimilada saameyn ku yeelatay heer kulka adduunka ayaa sida ay sheegeen saynisyahannadu soo gaban gabowday.

Xafiiska cimilada ee Australia ayaa waxa uu sheegay in badwaynta Pacific ay ilaa iyo xad qabowday labadii todobaad ee la soo dhaafay.

Dhacdadaan sida dabiiciga ah u dhacday ee bilaabatay bishii June ayaa sababtay in oogada saree e badda pacific ga ay biyo kulul noqdaan, taas oo sii siyaadisay kulaykii horey uga jiray hawada ee laga walwal Sanaa.

Balse saynisyahanada ayaa waxay leeyihiin waxaa hubanti la’aan ka jirtaa waxa xiga doona Elnino.

Khataro cusub oo ku aadan sare u kac heerkulka ee dunida ee billaha ah ayaa waxay sababtay in sanisyahannada qaar ay ka walaacaan in adduunka haatan u sii luudayo waji cusub oo isbdal cimilo oo aad u dhaqsi badan ah.

 

Daad

XIGASHADA SAWIRKA,FACEBOOK

Sanisyahanada ayaa sheegay in bilo kadib marka ay dhamaato Elnino la heli doono xog lagu go’aan gaari karo oo ku saabsan, in isbadalka cimilada gaar ahaa sare u kaca kulayka hawada ay masuul ka ahayd isbadalka guud ee aadka usii badanaya iyo in kale

Dhawrkii sanaba, bilowga duufaanta Elnino ayaa waxay sababi duuntaa isbadal cimilo oo aan caadi ahayn taas oo ka dhici doonta meelo badan oo caalamka ah.

Soo ifbaxa biyo kulul oo yimid dusha saree e xeebaha ku yaalla waddanka Peru ee dhaca Koonfurta America ayaa waxaa lala xiiriiriyay abaaro iyo daadad sii siyaaday oo ku dhuftay meelo badan oo caalamk ah.

Magaca buuxa ee loo yaqaano nuucaan Elnino da ah ayaa waxaa loo yaqaanaa El Niño-Southern Oscillation, waxaana loo soo gaabaaa ENSo.

Dhacadadaan cimilo ayaa la sheegay in ay leedahay saddex waji oo kale duwan, kuwaas oo kala ah, Elnino da kulul, xaalad dhexdhexaad ah iyo mid taas ka qabow oo lagu magacaabo La Nina.

Elnino da cusub ee aan hadda ka soo gudubnay ayaa waxaa si rasmi loo shaaciyay in ay bilaabatay bishii June, waxaana meeshii ugu darneyd ay gaartay bishii December.

Natiijada ka dhalatay biyaha kululaaday ee badweynta Pacific ga ayaa waxa ay dunida ka caawiyeeb heerkulka caadiga ah ee dunida in uu gaaro meelo aad u sareeya oo ku cusub cimilada, iyada oo bishii aynu soo dhaafnay ee March ay noqotay tii tobanaad oo xiriir ah oo dunida jabineyso rikoorkaas kuleylka ah.

Laakiin haatan, in kasta oo ay ka dhaqsi badan tahay sidii la maleynayay, waa ay isaga baxday hawada.

Su’aasha aan jawaabta loo hayn ayaa waxay tahay waxa xiga ee dhici doona, waanta tan ay haatan ku kala qaybsan yihiin saynisyahannadu.

Sida ay sheegeen cilmi baarayaasha Maraykanka waxaa jiray fursad boqlkiiba lixdan ah, taas oo ay sare u kici kartay duufaanta Elnino intii u dhaxeysay bilihii June iyo August, iyo sidoo kale 85 boqolkiiba in ay sare u kacdo xilliga dayrta ee soo aadan.

Daad

XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

Laakiin Xafiiska Australia ayaa waxa uu qabaa in wararka nuucaas ah in la soo saaro ay u baahan yihiin in aad looga fiirsado. Waxay u maleeyaan wajiga xaaladda dhexdhexaadka ah in uu sii jiri doono ilaa iyo bisha July.

“Maadaama aynaan horay u arag xaaladaha badweynta ee caalamiga ah oo ay nagu cusub yihiin, qiyaasaha laga bixinayo in ENSo ay soo laba kacleyn karto 2024 ta ee lagu saleynayo waxyaabihii horey u dhacay waxay u badan yihiin in ay noqdaan kuwa aan dhab ahayn”, ayaa lagu yiri war la soo saaray.

Sidoo kale in La Nina ay sababi karto dhibaato culus iyo in kale ayaan la hubin, sida ay sheegeen cilmi baarayaashu.

Sidoo kale waxay saameyn ku yeelan kartaa dhacdooyinka duufaanada, iyada oo khuburo wax saadaalisa ay sheegeen in hadii ay timaado la Nina ay sababi karto in ay ka dhacaan xeebaha Atlantic ag.

Balse La Nina ayaa waxay keeni karta in uu hoos u dhaco kulaylka dunida si tartiibtartiib ah.

                      =XIGASHO BBC SOMALI=

 

Previous articleAbaandulaha Qeybta 43aad ee ciidanka dhulka oo booqday Balad-xaawo+SAWIRRO
Next articleRa’iisul Wasaare ku-xigeenka oo qaabilay orodyahan guul usoo hooyay Dalka+SAWIRRO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here