Madaxweynaba Maamulka Somaliland ayaa wareegto uu soo saaray wuxuu ku cadeeyay waqtiga doorashooyinka isagoona saxiixay waliba.

Warqada Muuse Biixi ayaa sidaan u qorneyd:-

 

Markaan Arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
Markaan Arkay: Qodobka 6aad, faqraddiisa 2aad ee Wax-ka-beddelka iyo Kaabista Xeerka Guud ee Doorashooyinka iyo Diiwaan-gelinta Cod-bixiyeyaasha ee Xeer Lr. 91/2023 oo dhigaya in Madaxweynuhu uu 15 maalmood gudahood uu ku soo saarayo digreeto cayimaadda muddada doorashada, ka dib marka uu helo cayimaadda Komishanka Doorashooyinka;
Markaan Helay; Qoraalka summaddiisu tahay Tix: KDG/XK-6/083/2024, kuna taariikhaysan 20/04/2024, ujeeddadiisuna tahay Cayimaadda Taariikhda La-qabanayo Doorashada Madaxweynaha, Ku-xigeenka Madaxweynaha iyo Doorashada Tooska ah ee Asxaabta Qaranka;
Waxaan Soo-saaray;
In Doorashada Madaxweynaha, Ku-xigeenka Madaxweynaha iyo Doorashada Tooska ah ee Asxaabta Qaranka la-wada qabto 13-ka Bisha November ee sannadkan 2024-ka.

ALLAA MAHAD LEH

Muuse Biixi Cabdi
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland

Advertisement
Previous articleAlshabaabka Dowlada isku soo dhiibaya oo sii kordhaya +SAWIIRO
Next articleDiyaarinta Jiilka Mustaqbalka.+SAWIRRO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here