Horjoogayaasha iyo maleeshiyaadka ka tirsan Khawaarijta ee isku soo dhiibaya dowladda ayaa aad u batay maalmahan, kuwaas oo sheegay inay u adkeysan waayeen dhibaatooyinka nololeed ee duurka ku heysta argagixisada iyo baacsiga ay kala kulmayaan ciidamada qaranka iyo shacabka xaq u dirirka ah ee hubkooda qaatay.
Deegaannada Jubbaland, Galmudug iyo Koonfur Galbeed waxaa maalmihii lasoo dhaafay iska soo dhiibay tobanaan dhalinyaro ah oo sheegay inay ka soo hareen fikirkii guracnaa ee Khawaarijta, kuwaas oo soo dhaweyn wanaagsan iyo nidaam loogu talagalay kala kulmay dowladda.
Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed oo kaashanaya shacabka xaq u dirirka ah ee hubkooda qaatay si ay isaga xoreeyaan Khawaarijta ayaa maalmahaan kordhiyey howlgallada ka socda deegaanada fog-fog ee gobollada dalka, taas oo Khawaarijta ku abuurtay cabsi badan, geeri joogto ah iyo nolosha duurka oo ku adkaatay.

XIGASHO WARBAAHINTA DOWLADA

Advertisement
Previous articleTaliyaha Booliiska oo sagootiyay Saraakiil Dalka dibadiisa tababar loogu dirayo+SAWIRRO
Next articleMuuse Biixi  oo shaaciyay waqtiga doorashooyinka 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here