Korneel Qadaafi waxaa la qabtay xilli galab ah.Waxaa la aaminsan yahay in muuqaalka laga duubay laga dhex arki karay in xabad lagu dhuftay oo la dilay.

Advertisement

Telefishinka al-Jazeera ayaa xilligaas baahiyay muuqaallo laga arki karay Qadaafi oo jahwareersan, dhaawacna ah, iyadoo dagaalyahannadii mucaaradka ay dhulka ku jiidayeen.

Dagaalyahan ka mid ahaa mucaaradka, Salem Bakeer, wuxuu Reuters u sheegay: “Marka hore waxaa ku tuurnay madaafiic, balse way shaqeyn waayeen”.

“Ka dib mid ka mid ahaa raggii Qadaafi ayaa soo baxay wuxuuna haatiyay gacantii uu qoriga ku haystay… Ka dib markii uu i arkay, wuxuu billaabay in uu xabado nagu soo rido. Waxaan u maleynayaa in Qadaafi uu ku amray in xabadda uu joojiyo. Ka dib wuxuu dhahay ‘Mucaamir Qadaafi halkan ayuu joogaa wuuna dhaawacmay'”.

Salem Bakeer wuxuu yiri: “Gudaha ayaan galnay, waxaanna bannaanka u soo saarnay Qadaafi. Wuxuu dhahayay ‘Maxaa khaldan? Maxaa Khaldan? Maxaad sameyneysaa?’ Ka dib waxaan saarnay gaari.”

Mid ka mid ah malleeshiyadaas ayaa weriyeyaasha tusay bastoolad dahab ah oo uu sheegay in Qadaafi uu ka qaatay.

Balse nin sheegtay in dhacdada uu goobjoog u ahaa, wuxuu BBC u sheegay in xabad caloosha looga dhuftay Qadaafi. Waxaana jiro muuqaal laga arkay maydka Qadaafi oo lagu jiidayay jidadka Misrata.

Madixii Guddiga Xuquuqda Aadanaha ee Qaramada Midoobeey ee sannadkii 2011, wuxuu sheegay in loo baahan yahay in baaritaan buuxa lagu sameeyo sidii uu Qadaafi u dhintay.

 

Nairobi

Previous articleMadaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo  ku dhawaaqay in si deg deg ah loo dhamaystiri doono Dastuurka
Next articleGuddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga Qaranka oo xilka la wareegtay 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here