Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku dhawaaqay in si deg deg ah loo dhamaystiri doono Dastuurka dalka,Madaxweynaha ayaa ballanqaadkan sameeyey xili uu kumanaan Shacabka Soomaaliyeed ah khudbad dhinacyo badan taabanaysa ugu jeedinayey Garoonka Ciyaaraha ee Stadium Muqdisho maalinimadii 1-Da Luuliyo.

Advertisement

Madaxweyne Xasan ayaa xusay in Wasaaraddaha iyo Haya”addaha kala duwan ee dowladdu qabteen shaqooyin la taaban karo oo hortebin leh isagoo carabka ku adkeeyey sida loogu guulaystay dib u xoraynta Dalka iyo qorshaha lagu sugay Amniga Caasimadda.

Mar uu ka hadlayey hindisaha dhamaystirka Dastuurka ayuu Madaxweynuhu xusay in Dastuurka Federaalka Soomaaliya qabyo ahaa 11 sanno balse hadda ay ka go’an tahay Dowladda in lagu dhamaystiro mudo kooban oo bilo ah.

 

Nairobi

Previous articleFaahfaahin ka soo baxaysa duqen Israa’iil ka gaysatay Xerada Jeniin ee Falastiin
Next articleQaabkii loo qabtay Qadaafi hoggaamiyihii Liibiya Korneel Qadaafi

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here