Gaari shacab rakaab ah sidey oo kuwajahanaa Magaalada kullan oo katirsan deegaanka Dadaab,ayaa waxaa maanta galinkii hore miino dhulka lagu aasey kula qaraxdey duleedka Dabaab.

Qaraxan oo noociisu ahaa midka dhulka lagu aaso ayaa waxaa kudhintey ilaa laba ruux oo ah wiil iyo aabihii oo kamid ahaa rakaabka halka Shan ruux oo klena uu dhaawacyo culus uu kasoo gaarey.

Advertisement

Dadka dhaawac kasoo gaarey qaraxas,ayaa loola cararey isbitaalka Dhabaab halkaasi oo lagu dabiibayo dhawaacyadooda.

Dhinac kale laamaha amanka Dadaab oo gaarey goobka uu Qarax kadhacay ayaa sheegen iney wadaan baaritaano ku Aadan sida ay kutimi miinada iyo kuwa falkasi kadambeeya.

Sikastaba ha ahaatee qaraxan ayaa kusoo aadaya xili Gobolka waqooyi Bari kenya ay wajaheyso xaalad amni xumo iyadoo Qarax noocan oo kle ah kadhacay Warta cagey oo kutaala duleedka Dadaab kaasi oo ay kudhinteen laba ruux oo kamid ciidanka GSU oo loogu tala galey iney ilaaliyaan intixaanka KCPE.

Ilaa iyo haatan majirto cid sheegatey falkan lkin waxaa inta badan falal noocan oo kle ah kageeysta Gobolka waqooyi Bari kenya kooxda Al-shabab.

WARIYE:  Hassan Mwalimu,

Ifo,Dadaab.

May be an image of ambulanceMay be an image of 4 people, car, ambulance and textMay be an image of 1 person and ambulance

Previous articleDAAWO: Gud. Baarlamaanka oo ka hadlay arimaha wax ka badalka Dastuurka.
Next articleYuhuuda oo qiratay inay si qaldan ugu dileen Gaza sedex ka mida la haystayaasha

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here