Dhowr qarax oo isxigay aya caawa fiidnimadii laga maqlay inta badan magaalada Muqdisho iyo nawaaxigeeda.

Qaraxyadan ayaa markii la maqlay waxay dad badan ku abuureen cabsi iyo walaac xooggan, iyadoo la isweydiinayey halka ay wax ka dhaceen iyo sida ay wax u jiraan.

Advertisement

Hase ahaatee warar markii dambe soo baxay ayaa sheegaya in qaraxyada aysan aheyn weerar ka dhacay magaalada balse ay yihiin dab rid ay sameynayaan ciidamo tababar ku qaadanaya xero milateri oo ku taala duleedka garoonka Aadan Cadde..

Taliska ciidanka Booliska Soomaaliyeed  oo goor dambe war soo saaray ayaa sheegay in qaraxyadan ay ahaayeen kuwo nabadeed

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here